Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hogaaminayey oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan G/Awdal ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigay Musharixiinta xisbiga Kulmiye ugu tartami doona golaha deegaanka ee Degmada Boorame.
Last Updated ( Saturday, 08 September 2012 07:59 )
Read more...
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeer ku soo maray madaarka Cigaal International Hargeysa oo ay dhabihiisa, ka socoto dib u balaadhin ay ka waddo shirkadii laga leeyahay Wadanka Shiinaha .
Sida ay ku Waramayso Wakaalada Wararka ee Solna Wasiirka wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Madaxweyne Ku xigeenka warbixin ka siiyay dib u dhiska madaarka Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay si habsami ah u socoto hawshaasi isla markaana casriyaynta iyo balaadhinta dhabada diyaaradaha ee Madaarku ay haatan taagan tahay marxalad gabo-gabo ah.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in marka dib u dhiska madaarka farta laga qaado ay madaarka soo fadhiisan doonaan diyaaradaha waaweyni, waxaanu u mahad celiyay Dawladda Kuwayt oo maal-gelisay dayactirka iyo balaadhinta Madaarrada Berbera iyo Hargeysa oo hawl-bowle u ah dalka.
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu xusay in iyadoo dayactirku ka socoto Madaarka Berbera ay haddana diyaaradaha yar-yari fadhiistaan oo aanu xidhnayn madaarku, halka diyaaradaha waaweyni ay fadhiistaan madaarka Berbera.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo dhaweeyay balaadhinta Madaarka Hargeysa, waxaanu wasaaradda Duulista Hawadda iyo shirkada qandaraaska ku qaatay dhismihiisaba ku ammaanay siday hawsha u wadaan.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu ka hadlay ahmiyada madaarka Hargeysa ugu fadhiyo dalka ,waxaanu sheegay in Madaarka Cigaal International Airport uu taariikh dheer ku leeyahay dalka Somaliland isla markaana ay Xukuumad ahaan ka go'an tahay dhamaystirka casriyaynta lagu hayo.
Last Updated ( Saturday, 01 September 2012 18:08 )
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u kicitimay dalka Itoobiya, halkaasi oo ay Axadda bari kaga qeyb geli doonaan aaska Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, oo laba todobaad ka hor geeriyooday. Sida ay ku Waramayso Wakaalada Wararka ee Solna Madaxweynaha Somaliland oo ay weftigiisa xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), waxa ymarti-qaad rasmi ah ka heleen dawlada Itoobiya. Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ka dhoofay madaarka Magaalada Hargeysa, ayaa warfidiyeenada u sheegay inay magaalada Adis-ababa kaga qeyb galayaan aas balaadhan oo loo samaynayo Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, kaasi oo lagu soo marti-qaaday. Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah goleyaasha qaranka. M.Faratoon Solna-Agency/ Office Heardquaters. Hargeisa.
| Radio Hargaysa :: Codka JSL |
| Idaacadda Radio Hargaysa: Warar xaqiiqa, dhex dhexaada iyo ilo lagu kalsoon yahay ugu soo hagaag idaacadda Radio Hargysa. Codka Jamhuuriyada Somaliland |
|
| Somalilandpress.com | Somali News Online from Somaliland - Somalia and Horn of Africa |
| News headlines from Somaliland, Somalia and the world. |
|
Idaacadda Radio Hargaysa ee Codka Jamhuuriyada Somaliland
An ICT Services company, founded in 2002
One of the best Somaliland News sites