Somaliland News Agency

Monday
May 20th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Warar Warar “Markii Meesha laga Saaray Guddidii Nabadgelyada ayay u qaateen inaanu dalku sharci lahayn”

“Markii Meesha laga Saaray Guddidii Nabadgelyada ayay u qaateen inaanu dalku sharci lahayn”

E-mail Print PDF

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan tuugta iyo dadka ka ganacsada khamriga oo uu tilmaamay inay u qaateen inaanu dalka sharci ka jirin markii  la laalay Guddidii nabadgelyada ee ka baxsanayd Garsoorka sharciga ah.

Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay maanta oo uu ka hadlayay ka dib markii Maxkamadda Gobolku ay min laba sanadood oo xadhig ah ku riday 71 ka mid ah dadka khamriga ka ganacsada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay halkaasi wuxuu yidhi “Waxaad ogtihiin dalkeenna inay Nabadgelyadu tahay waxa ugu weyn ee hanti ah ee aynu haysano. Nabaddaasi oo shacbigu uu  yahay qeybta libaax  ee ilaashata ee gacanta birta ah ku haysata iyo Ha’yadaha amniga oo  iyaguna aan hadh iyo habeen aan seexanin. Taasi waxay keentay  in doorashooyin si wanaagsan u dhacay ay dalka ka hirgalaan. Waxay keentay  doorashadaasi in madaxdii caalamku ay ku soo qul qulayaan dalkeenna. Laakiin Nabaddaasi cadow bay leedahay, wada jirku cadow buu leeyahay, Nabadda habeenkii lagu seexanayaa cadow bayn leedahay. Waxa cadowgaasi ka mid ah tuugta oo saqda dhexe dadka gidaarada ku dhacaya oo wadooyinka ku qabsanaya oo waliba aan  u naxayne’e tooridda hore ka galinaya intaanu wixii uu ka rabay aanu ka qaadin. Tuugtaasi waxay ka faa’iidaysteen Guddidii Nabadgelyada gobolada ee ka baxsanaa garsoorka markii meesha laga saaray ayay u qaateen inaanu dalku sharci lahayn lagu qabto ka wax dilaya iyo ka wax xadaya. Waxa kale oo iyaguna ka faa’iidaystay dhaqan xumo faro badan waxaad arkaysaan waxa hortiina jirikaano iyo quraarado khamri ah buuxa ee la soo qabtay.”

“Waxa maanta la xukumay  tuugtii magaalada dhibtay ee caanka ahaa,ma aha  in xukun deg deg ah lagu sameynayo ee caadi ayaa loo xukumay waxaana ka wada shaqaynaya sidii dadkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa Ha’yadihii xukuumiga ahaa, sida Wasaarada arrimaha Gudaha, Cadaalada, Diinta iyo awqaafta, Booliska iyo Asluubta.waxaan doonaynaa inaan shacbiga tusno togan khamriga ah ee wadada qul qulaya”ayuu yidhi Md. Gaboose.

Wasiirku daakhiligu wuxuu sheegay in khamrigan iyo tuugtan la soo qab qabtay ay ku timid dedaal xad dhaaf ah oo ay sameeyeen ciidanka Booliska Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay halkaasi ayaa ka waramay sida ILAAHAY u xaaraantinimeeyay khamriga iyo  dhaqan xumadda. Waxaanu ciidanka booliska ku bogaadiyay dedaalka ay ku soo qabqabteen qaar ka mid ah dadka ka ganacsatada khamriga oo uu ku tilmaamay Hooyadda xumaanta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, oo ka hadlay khamrigaasi wuxuu yidhi “Waxa hortiina yaala  2566 iyo nus khamri ah xaddigaasi khamriga ahi wuxuu geli lahaa caloosha reer Hargeysa oo qudha. Ubaxkeenii iyo diinteeniina halkaasi ayay ku dhammaan lahaayeen, waxaan ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Wasiirrada arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta.waxa kale oo aan bogaadinayaa  Maxkamadaha sidii ay ahayd u fuliyay ee xukumay dadkii waxan lagu soo qabtay illaa saaka waxa la xukumay  71 min laba sanadood oo xadhig ah lagu xukumay. Waxaan leeyahay kuwa dibada jooga ee khamriga ka ganacsada in la qabanayo oo ciqaab adag la marsiinayo.”

 

Wararka Idaacadda Radio Hargaysa

Radio Hargaysa :: Codka JSL
Idaacadda Radio Hargaysa: Warar xaqiiqa, dhex dhexaada iyo ilo lagu kalsoon yahay ugu soo hagaag idaacadda Radio Hargysa. Codka Jamhuuriyada Somaliland
Somalilandpress.com | Somali News Online from Somaliland - Somalia and Horn of Africa
News headlines from Somaliland, Somalia and the world.