Somaliland News Agency

Sunday
May 19th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home News Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Xilkii Wasaaraddaasi La Wareegay.

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Xilkii Wasaaraddaasi La Wareegay.

E-mail Print PDF

20/03/2012(solna) Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ayaa maanta si rasmiya xilkii Wasaaradaasi ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Marwo Ilhaam Axmed Jaamac.

Xaflada ay xilka kula kala wareegayeen labadan masuul oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Luul Xasan Mataan, Shaqaalaha Wasaaradaasi iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed oo ugu horeyn Xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay qabyooyin fara badan oo ka jiray Wasaaradaasi wakhtigii ay yimaadeen, waxaanu sheegay in ay isku dayeen sidii ay qabyooyinkaasi wax uga qaban lahaayeen, waxaana hadaladii agaasimaha ka mid ahaa “Runtii markii aanu nimid Wasaarradan waxa jirey qabyooyin badan, waxay Wasaarad aan u qaabaysnayn qaabkii ay u qaabaysanaan lahayd Wasaarrad dawliya, waxay ahayd Wasaarrad aan lahayn Dhismeyaal ay ku shaqayso, waxa ay ahayd Wasaarad aan lahayn Shaqaale ku filan, waxay ahayd Wasaarad aan lahayn Gaadiid ku filan, markii aanu nimid waxaanu isku daynay oo aanu awooda saarnay inaanu samayno qiimayn ku saabsan baahiyaha ay Wasaarradu tabayso, meelahay ay Wasaarradu ku xoogan tahay iyo meelaha u baahan in wax la xoojiyo. Waxaa noo soo baxday galdaloolooyin badan oo u baahan in la buuxiyo oo ay kow ka tahay halkii ay ku gudan lahayn Waajibaadkii qaran oo ah Dhismeyaashii, markaa waxaanu ku guulaysanay inaanu helno xaruntii guud ee Wasaarrada oo hadda dhammaatay, taasoo ay naga caawiyeen Hay’addaha kala duwan, waxaanu dhismeyaal u helnay Saddex gobol oo hadda gobol ka mida ahi uu Dhismeyaashiisii dhamaadeen”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in muddo badan wada shaqaynayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, waxaanu wasiirku sheegay in ay ahay Shakhsi wax qabad leh oo wax badan tartay Wasaaradda iyo dadka darbi jiifka ahba.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay waxqabadkeedii mudadii ay joogtay Wasaaradaasi, iyada oo sheegtay in ay gawaadhi badan u iibisay Wasaaradda qaybaheeda kala duwan ee ay ku leedahay gobolada Somaliland, waxaanay sidoo kale sheegtay in ay Wasaaradda u socdo dhisme loogu talo galay oo casri ah.

Wasiirka cusub ee Wasaaradaasi loo soo magacaabay Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in uu si fiican ula shaqayn doono shaqaalaha Wasaaradaasi, isla markaana isku dayi doono in uu halkaasi ka ambaqaado waxqabadka ay sameysay Wasiirkii ka horeeyey.

Ugu dambeyntii labada Masuul ayaa xilkii wasaaradaasi kula wareegay xafladii iyada oo Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu Wasiirka cusub soo tustay Guriga cusub ee loo dhisayo wasaaradda iyo waaxyaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.

barkhad cabdi rooble

solnagency.com

 

Wararka Idaacadda Radio Hargaysa

Radio Hargaysa :: Codka JSL
Idaacadda Radio Hargaysa: Warar xaqiiqa, dhex dhexaada iyo ilo lagu kalsoon yahay ugu soo hagaag idaacadda Radio Hargysa. Codka Jamhuuriyada Somaliland
Somalilandpress.com | Somali News Online from Somaliland - Somalia and Horn of Africa
News headlines from Somaliland, Somalia and the world.

Videos - Drive your way

Hot topic

 

HISTORY ABOUT SOMALILAND

The Republic of Somaliland known as the Somaliland Protectorate under the British rule fro...

 

Somaliland's democratic lesson

An unsung and unrecognised east African statelet has just held a democratic vote that impr...

 

M/Weynaha Jsl,oo Maanta Xilkii ka Qaaday Boobe Yuusuf Ducaale.

War-Saxaafadeed 29/08/2012 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed M...

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo U Soo jeediyay Ururada SIyaasada inay Si Caafimaad qabta ugu qayb qaataan Tartanka Doorashada Golaha Deganka.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ururada ka qayb qaadanaya tartanka ...

 

Wasiirka Wasaaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo Kulan lagaga Hadlayo Qorshaha Sano ka Furay Magaalada Hargeisa.

Wasiirka oo faahfaahinayey sida ay u wada shaqeeyaan hay’adaha cadaaladda iyo kuwa garso...

Links

www.radiohargaysa.net

Idaacadda Radio Hargaysa ee Codka Jamhuuriyada Somaliland

www.somalilandict.com

An ICT Services company, founded in 2002

www.somalilandpress.com

One of the best Somaliland News sites