Somaliland News Agency

Tuesday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home News Urur siyaasadeed cusub oo layidhaa xaqsoor ayaa manta lagaga dhawaaqay magaalada hargaysa

Urur siyaasadeed cusub oo layidhaa xaqsoor ayaa manta lagaga dhawaaqay magaalada hargaysa

E-mail Print PDF

27/12/2011-Urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Xaqsoor, ayaa maanta lagaga dhawaaqay Huteelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa.

Xafladii daah furka ururkan waxa ka soo qeyb galay galay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Masuuliyiin ka socday xisbiga UDUB iyo ururadda siyaasadda ee UDHIS, RAYS, salaadiin, Xildhibaano iyo taageereyaal tiro badan.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xaqsoor Axmed Nuur Aw Cabdi, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ururkoodu ka dhashay markii ay arkeen in baahi weyn loo qabo xaqsoor iyo cadaalad dalka wada gaadha.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ururkoodani u furan yahay dadweynaha Somaliland oo aanay cid gaar ahi lahayn, waxaanu faah faahin ka bixiyay barnaamijka ururkooda oo uu tilmaamay inuu rajaynayaan inay ka mid noqdaan sadexda urur ee u gudba asxaab qaran.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga UCID C/fataax Siciid Axmed oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ururkan oo uu ku sifeeyay inuu yahay ka ugu magaca wanaagsan ururaddii cusbaa ee dalka lagaga dhawaaqay, waxaanu xusay in ururadii hore ay magacyadoodu ahaayeen kuwii Iskaashatooyinka iyo xawaaladaha. Waxa kale oo uu xusay inuu ururkan u rajaynayo inay noqdaan urur siyaasadeed mucaarid ah oo toosiya xukuumadda tallada haysa.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka ururkan oo uu xusay inay iskaashi yeelan doonaan.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dadka ururada samaysanayaa ay u diyaar garoobaan wax uu ugu yeedhay dawada qadhaadh iyo macaan ee siyaasadda.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay in aanay ururadda badani faa’iido ugu jirin Somaliland waxase ay u soo jeedisay ururada cusub inay si hufan u galaan tartanka doorashooyinka ahmiyada koowaadna la siiyo danaha qaranimadda Somaliland.

Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu mar kale ku celinayo baaqiisii ahaa in ururada siyaasaddu intii isku fikir dhowiba ay midoobaan, waxaanu soo dhaweeyay aasaaska ururkan waxaanu u rajeeyay inay guulaystaan.
Xasan Ciise wuxuu sheegay in ururada siyaasadda looga baahan yahay inay noqdaan mucaarid mudakar ah oo toosiya dalkiisa, waxase uu carabka ku dhuftay inay jiraan ilaa laba urur siyaasadeed oo lagu xanto inay abuurtay xukuumadda talladda haysaa.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo ka socday xisbiga UDUB iyo Guddoomiyaha ururka Rays Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ururkan. Waxaanay sheegeen inay ka filayaan garab iyo taageero maadaama oo ay yihiin ururo mucaarid ah.

 

 

 

 

 

Barkhad Cabdi rooble

solnagency.com

 

Wararka Idaacadda Radio Hargaysa

Radio Hargaysa :: Codka JSL
Idaacadda Radio Hargaysa: Warar xaqiiqa, dhex dhexaada iyo ilo lagu kalsoon yahay ugu soo hagaag idaacadda Radio Hargysa. Codka Jamhuuriyada Somaliland
Somalilandpress.com | Somali News Online from Somaliland - Somalia and Horn of Africa
News headlines from Somaliland, Somalia and the world.

Videos - Drive your way

Hot topic

 

HISTORY ABOUT SOMALILAND

The Republic of Somaliland known as the Somaliland Protectorate under the British rule fro...

 

Somaliland's democratic lesson

An unsung and unrecognised east African statelet has just held a democratic vote that impr...

 

M/Weynaha Jsl,oo Maanta Xilkii ka Qaaday Boobe Yuusuf Ducaale.

War-Saxaafadeed 29/08/2012 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed M...

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo U Soo jeediyay Ururada SIyaasada inay Si Caafimaad qabta ugu qayb qaataan Tartanka Doorashada Golaha Deganka.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ururada ka qayb qaadanaya tartanka ...

 

Wasiirka Wasaaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo Kulan lagaga Hadlayo Qorshaha Sano ka Furay Magaalada Hargeisa.

Wasiirka oo faahfaahinayey sida ay u wada shaqeeyaan hay’adaha cadaaladda iyo kuwa garso...

Links

www.radiohargaysa.net

Idaacadda Radio Hargaysa ee Codka Jamhuuriyada Somaliland

www.somalilandict.com

An ICT Services company, founded in 2002

www.somalilandpress.com

One of the best Somaliland News sites